AWOODA AQLIGA DAAHSOON
Waxa kugu dhex duugan awood dahsoon..
Awood aan la dhayalsan karin taas oo kuu
horseedaysa isbeddel nololeed marka aad
barato sida ugu wanaagsan ee loo
adeegsado. Awooddaasina waa caqligaaga
dahsoon.
Dadka badankiisu ma garanayaan awoodda
caqligooda dahsoon sababtuna waa in
aanay fahmin waxa uu yahay iyo sida uu u
shaqeeyo caqliga dahsooni.
Waxa laga yaabaa in lagu aaminsiiyey in
caqliga dahsooni yahay shay cajiib ah ama
mucjiso ah. Xaqiiqadu se waxa ay tahay
caqliga dahsooni waa qayb ka mid ah qaab
dhismeedka maskaxdaadu u shaqayso.
Xaqiiqatan caqliga dahsooni waa waa mid
aad u awood badan, waxa aanan ugu
yeedhaa Awoodda Qarsoon, sababtuna
waa in aanay dadka badankiisu garanayn
sida ugu wanaagsan ee loo isticmaalo;
loogana faa’idaysto. Buuggani waxa uu
daaha kaaga qaadi doonaa sida loo
adeegsado awooddan qarsoon si aad
isbeddel wanaagsan ugu samayso
noloshaada.
Caqligaaga dahsooni waxa uu kaa caawin
karaa in aad xaqiijiso yoolashaadda, ka
takhalusto hab-dhaqannadaada aan
wanaagsanayn oo aad ku beddesho habdhaqanno fiican, in aad wanaajiso sawirka
aad naftaada ka haysato, aad noqoto mid
hal-abuurnimo leh, awoodna u leh in uu
degdeg aqoon u kasbado iyo qodobbo kale
oo muhiim ah.
Marka aad baratid sida ugu habboon looga
faa’idaysto awoodda caqligaaga dahsoon,
waxa aad ka dhaxlaysaa farxad iyo
badhaadhe badan, guulo hor leh, dhaqaale
wanaagsan, caafimaad fiican iyo xidhiidh
awood leh oo ka qiimo badan intii aad
waligaaba filaysay.
Buuggan waxa aynu ku ogaan doonnaa
waxa uu yahay caqliga dahsooni, sida uu u
shaqeeyo iyo sida looga shaqaysiiyo si aad
dib ugu qaabayso una noqdo mid aad ku
gaadho noloshii aad raadinaysay. Balse ka
hor inta aynaan bilaabin, aan kuu soo
bandhigo oo aan kuu caddeeyo shay inta
badan ay dadku ku dawakhaan. Marka aynu
ka hadlayno caqliga soo jeeda iyo caqliga
dahsoon, waxa muhiim ah in aad
ogsoonaato caqligu in uu mid kaliya isku
yahay balse uu halkaagaas caqli uu u
shaqeeyo laba qaab oo kala duwan,
waanan sababta ay culimada cilmu nafsigu
u siiyeen laba magac.. caqliga soo jeeda
iyo caqliga dahsoon.
Inta aad ku jirto akhriska Buuggan, waxa in
badan kugu soo noqnoqon doona labadan
magac ee caliga, balse waxa muhiim ah in
aanad ku dawakhin ee aad fahanto.gabi
ahaanba waxa ay qabtaan laba shaqo oo
kala duwan, balse waa isku hal xubin.
CAQLIGA SOOJEEDA (Conscious Mind)
Ka hor inta aynaan u bogin awoodda
caqliga dahsoon, waxa aad muhiim u ah in
aynu fahanno astaamaha caqliga soo jeeda.
In kasta oo uu Buuggu ka hadlayo awoodda
caqliga soo jeeda, haddana waxa muhiim
ah in aynu ogaano qaybta kale ee caqliga
(Caqliga soo jeeda) si aynu fahan guud u
qaadano.
Astaamaha ugu muhiimsan caqliga soo
jeeda waxa ka mid ah in ay tahay qaybta
xakamaysa fikirrada kugu soo dhacaya iyo
shaqadooda. Tusaale ahaan, immika waxa
aad kor u qaadda gacantaada bidix, taasi
waa shaqo uu qabtay oo uu maamulay
caqligaaga soo jeedaa.
Caqliga soo jeedaa sidoo kale waxa uu
qaabilsan yahay fikirrada maangalka ah ee
maskaxdaada ka dhex guuxaya, waa
qaybta awoodda u leh in ay xaaladaha uga
fikirto hanaan macquul ah, falanqaysa sidoo
kalena aad ku gaadho go’aanno xaqiiqada
ku salaysan.
Sidoo kale marka aad qiimayso
khaladaadkii aad samaysay tagtadaadii ee
aad wax ka barato, waxa aad ka
shaqaysiinaysaa qaybta caqligaaga ee soo
jeedda. Waqtiga aad dejinayso hadaf
mustaqbalka ay tahay in aad gaadho, waa
tusaale kale oo ku tusinaya in qaybta aad ku
fikiraysaa ay tahay qaybta caqligaaga ee
soo jeedda.
Mararka qaarkood waxa laga yaabaa in aad
maqasho qof odhanaya “ Waxa aan
gaadhay go’aan macquul ah” tani waa
awoodda caqliga soo jeeda. Waxa uu in
siiyaa awoodda aynu ku danayno xaaladda,
ku qiimayno xaqiiqooyinka, ku falanqayno
khataraha ee aynu ku go’aansanno in waxa
aynu aaminsan yahay uu yahay waxa ugu
wanaagsan. Sidoo kale waxa uu ina siiyaa
awoodda aynu meel iskugu keenno qorshe
aynu ka fikirnay si aynu u fulino oo tallaabo u qaadno
Sida uu cajiibka u yahay caqliga soo jeedaa,
waxa kale oo uu leeyahay xad uu ku joogo
oo aanu dhaafi karin. Waxa uu leeyahay
caqliga soo jeedaa xusuus kooban, tusaale
side ayaa ay u dhacdaa in aad ilowdo qof
aad garanayso magaciisa ama
furayaashaad sidataya halkii aad dhigtay?
Tani waxa ay tusaale u tahay xusuusta
kooban ee caqliga soo jeeda.
Xadadka kale ee caqliga soo jeedaa waxa
ka mid ah in uu qaban karayo hawl kaliya
oo aanu shaqo labaad qaban karin, tusaale
ahaan adiga oo wax akhriyaya haddii uu qof
kula hadlo, waa in aad akhriska sii wadato
ama aad joojiso oo aad hadalka dhagaysato
kana jawaabto. Macquul maaha in aad laba
shaqo mar kaliya ku wada qaban karto
qaybtan maskaxda ee soo jeedda.
Kalmaddan (Soo jeeda- Concious) waxa ay
ka turjumaysa in aanu caqliga soo jeeda
qaban karin hawl aanu diiradda saarin ama
aanu u soo jeedin waqtina aanu galin. Waana
doorka uu qaadanayo caqliga dahsooni. Aynu
giijisanno suunka si aynu ugu gudubno qaybta
labaad ee ah Caqliga Dahsoon
1 Comments