7 CAADOOYIN OO XUN XUN NAFTAADA KA JAR


dadka dunida jooga dhamaantood nusqaan ayay leeyihiin wax uun ayaa ka qaldan midkasta meel uun buu ku xun yahay dabeecado xun xun oo qaldan ayaa meel uun noloshaada ka soogala aduunyadan intaad joogtidna dhamaystiran qofku ma noqdo wax uun baa qabyo kaa ah 


Adigu naf ahaantaada inaad qaladaadkaga sixi waydaa waa waxa ceebta kugu ah ee maahan inaad qalad samaysay ama aad qalad ku jirtid ama aad dabeecad xun leedahay mahan mid aad ku ceebaysan tahay waayo bini'aadam ayaad u tahay taas 


Adigu waxaan macquulka ahayn ayaa ah inaad 100% dhamaystirnaatid taasi ma suurto galaysid intaad dunida joogtid wakhtigaaga waxaad ku bixisaa maalin walba waxa kaa qaldan sideen u sixi karaa 


Dadka kale ee dunida jooga ee ku sifoobay wax yaabaha wanaaga ah maxan ka baran karaa taas ayaad naftaada ku hagaajin kartaa waxaad ogaataa hadii adi naf ahaantaada inta aan kula wadaagi doono aadan midna ku sugnayn macnaheedu mahan inaad tahay qof dhamaystiran 100% 


Waayo inta aan halkan kugula wadaagi doono inta kale ee maqan ayaa ka badan taas midaas oo laga yaabo inaad kuwaas wax ku khuseeya ay ku jiraan 


1 DAYACA SALAADA 

Hadii ay salaadaadu tahay mid dayacan ogow waligaa kama dhamaanaysid walwal murug cidhiidhi waxwalbana wey kugu adkaanayaan waad ka wahsanaysaa inta yar eed salaada tukanayso marka ay noqoto samaynta wax kale way ku fudud yihiin hada kaba sooqaad film ayaad daawanaysaa daawashada filimaanta wakhtigaaga sifican ayaad u siinaysaa balse wakhtiga yar ee salaada culays ayuu kugu yahay hadaba haday salaadaadu tahay mid dayacan walaal waan ku dardaarmayaa iska jar caadadan xun ogow salaada oo lahaajiyaana waxwalba oo wanaga ayay ku horseedaa 

Hadaad aakhiro iyo aduunba aad guul rabtid hagaaji salaada 


2 DHAGAYSIGA WAX YAABAHA MICNO DARADA AH 

shayga haduuna aakhiro iyo aduunba uuna faaiido ka soogalayn waa macno daree iskaga tag wax yaabaha aad haysatid waxa ugu qaalisan waa wakhtiga 

Wakhtigaas aad u qaaliga ah ayaayaa waxay ayaan daro ku noqonaysaa inaad siiso wax yaabahaas micno darada ah 


3 CABASHADA IYO CUDUR DAAR RAADINTA 

labadan dabeecadood ee aadka u xun ka jar naftaada inta badan markaad naf ahaantaada is aragto Adigoo leh ma samayn karo waa cabasho markaad aragto adigoo leh waxaa waxaan u samayn waayayna waa cudur daarasho labaduba waxay lid ku yihiin hormarinta naftaada oo naftaadu ma hormari karto intay labadani caado ku yihiin waa labo astaamood oo aad u foolxun hadii aad aragto adigoo cabanaaya jilayc fara badan ayaa ka buuxee naftaada adkee hadad aragtid adigoo cudur daar bixinayana caajislow ayaad tehee caajiska ka bax si ay naftaadu u noqoto mid hormarta hana noqon mid doqonimo ku sifooba 


4 KU MASHQUULKA DADKA KALE 

Dadka kale oo aad ku mashquushaa naftaada ayaad ka mashquulaysaa hadii aadan dantaada garanin dantaada u soojeedina dadka kale ayaad ku siijeedi doontaa wakhtigaad haysataa adiga ayuuna kugu filnayn 24 saac adigu dantaada ku mashquul oo kale bakhayl wakhtigaaga qofka kale wakhtigaaga waxaad siisaa naftaada oo iyada ku mashquul 

Qofku sidan ayuu wax ku noqdaa oo uu meel kaga soo baxaa 


5 INAAD DHOWR SHAY HAL MAR ISLA QABATID

Adigu tirada hafiirine tayada fiiri shaywalba meesha laga fiiriyaa waa tayada hadii aad howl qabanayso adiga wakhtigaaga Howshaas dhex quus iyada oo kaliya wakhtiga sii si ay wax tayo leh meeshii uga soobaxaan lagayaaba xaaladaha qaar inaynu qabano wax yaabo tiro badan waxaynuna ka tagnaa midwalba isaga oo qabya ah oo aan lahayn tayadii la rabay 

 

6 ISKA YAREE SOCIAL MEDIA ISTICMAALKIISA 

Mid ayaan ku hubaa inay xisaabta noloshu kaa qaldan tahay waxaad garanaysaa marka uu wakhtigaagu yahay mar aad shaqaynayso mar aad nasanayso iyo mar aad social media aad ku jirtid hadii ay lacag ka soo galayso waasi waa goonideeda oo taasi shaqo ayayba ku tahay balse hadii ayna waxba ka soo galayn wakhtigaaga hayska siin qofka bini'aadamka ah hibadiisa wanaagiisa hormarkiisa iyo qofnimadiisu waxay soo baxdaa wakhtiga soo hadhay marka uu naftiisa galiyo 


7 IS BAR SIDA DADKA QAAR LOO JARO 

OO iska daah jilayca dad badan oo waxaa jira noloshaada culays kugu ah waad la sheekaysataa wey ku yimaadaan waa negative wey ku faanayaan ama maanta dhan adiga ayay ku durayaan ama adiga ayay kugu maqan yihiin waabad og tahay inay ku xas dayaan wax yaabaha aad u samayso kaagama mahad naqaan inta badan hadii ay dadkaasi ficiladaas ay iska sameeyaan oo ay iska wadaan adiguna aad iska dhagatirtid waa sax balse xagay kaa dhibaysaa qalbi ahaantaada qof bini'aadam ah ayaad tahay oo ma aqbalaysid in uu qof waxaas kugu sameeyo marwalbana waxaad is arkaysaa markaad rabtid inaad wax wanaagsan samaysid waxaad is waydiinayaa qofkani lagama mahad naqaayo

Adigu sida guud ee kale ayay nolosha bini'aadamka culays ku saaran yahay markaa ka jar naftaada dadka culayska kugu ah


Waad ku mahadsan tahay akhrintaada walaal insha allah waxaan rajaynayaa inaad wax uun ka faaiido