FAQRIGA IYO HODANIMADA SIDAY DIINTEENU UGA HADASHAY
Hodanimada iyo faqrigu maarka hore labaduba waa imtixaan qofka qaniga ah waa la eegayaa bal waxa uu ku sameeyo xoolaha uu illahay siiyay kan faqriga ahna waa la eegayaa inuu ku samro iyo inkale
Waxaa kale oo mudan in la tilmaamo in kala qabsanaanta dadku ay u kala qabysan yihiin qani iyo faqiir ay xikmadi ku jirto oo hadii ay dadku wada qani ahaan la haayeen noloshu macno ma yeelateen hadii ay wada faqiir ahaan la haayeena sidokale noloshu macno mayna la haateen
Iyada oo ay sidaas tahay ayaa hadana mudan in la xuso in uu qof walba uu xoriyad buuxdo u haysto inuu faqiir noqdo iyo inuu faqiir noqdo waayo dariiqa faqiirnimadu waa mid cad oo wata sababihiisa qaninimaduna waa mid cad oo sababihiisa wata
Ninka qani ah oo layidhaahdo Bil Gate wuxuu yidhi hadii aad dhalato adiga oo faqiir ah wax danbi ah kuma lihid balse waxaad danbi ku leedahay hadad dhimato adigoo faqiir ah
Nin gaal ah inaan hadalkiisa daliil ka dhigano waa mid laga fican yahay balse gaalku wixii xikmad ah een diinteena ka hor imaanayn waan qadan karnaa tani waxay lamid tahay qofku wuxuu dhashaa isaga oo aan ajar iyo khayr midna wadan
Hadiise uu dhinto isaga oo ah sidii uu ku dhashay oo aan shaqaysan wax khayr ah midaas danbi ayuu ku leeyahay tan iyo taasi waxba kuma kala duwana waa fikir qaldan inaan qadarka Alle u daliishano faqiirnimadeena oo aan dhahno illahay ayaa i qoray faqiirnimada
Sidaas waxaan dhihi karaa marka aynu la nimaadno sabab walba ee aan hadana waxba ku heli wayno balse inaga oo iska fadhina oo aynaan far dhaqaajinayn inaan qadarka Alle xujo ka dhigano taasi mahan mid diinteena daliil ka haysata
Inta badan waxaa dhacda hadii uu qofku la yimaado sababta uu Allahna talo saarto aanu hoojinayn ajarkiisa aanu dayacayn sida uu allah quraankiisa ku sheegay
فان الله لايضيع اجرالمحسنين
( illahay dadka muxsiniinta ajirkooda ma lumiyo)
Marka aan eegno dunidan aan ku nool nahay waxay u kala qaysan tahay duni xaga dhaqaalaha ka hormartay iyo duni xaga dhaqaalaha dib u dhacday waxaana taas sabab u ah dadka ku kala nool oo kala duwan qabashada asbaabaha faqrinimada iyo qaninimada arimahan aynu ka hadlayno
Waxaa kale oo in la tilmaamo mudan in qaninimada ay diinteenu dhiirigalisay halka ay faqrigana ka digtay Nabigu nabad iyo naxariis kor kiisa ha ahaatee wuxuu allah ka maganlay faqriga wuxuuna yidhi
اللهم اني اعوذبك من الكفروالفقر
(Rabiyow waxaan ka magan galay gaalnimo iyo faqri)
La soco qaybta xigta insha allah
0 Comments