Caqliga Dahsoon (The

Subconcious Mind)

Halka uu ka yahay caqligaaga soo jeedaa

qaybta garaadkaaga ee aad ka war hayso

waxa ka dhex socda, qaybta aanad ka war

hayn ee caqligaaga ayaa loogu yeedhaa

Caqliga Dahsoon.

Qaybtani waxa ay shaqaysa 24-ka

saacadood ee habeenkii ilaa maalintii, waxa

aanay qaban kartaa shaqooyin badan oo

aan xaddidnayn mar kaliya. Waa sida

koombuutar ka dhex shidan qaybta danbe

ee maskaxdaada. Waxa ay si joogto ah u

xakamaysaa hawlaha aad ku qabanayso

mooganaanta, sida: caadifadaha iyo

caadooyinka. Marka aad soo jeeddo iyo

marka aad hurudaba caqligaaga dahsoon

waxa uu u shaqaynayaa si joogto ah isaga

oo xakamaynayaa dhammaan shaqooyinka

muhiimka ah ee ka dhex socda jidhkaaga,

iyada oo aanay caawinayn qaybta kale ee

soo jeeddaa (Conscious mind)

Uma baahnid in aad ka fikirto neefsashada

si aad uga shaqaysiiso wadnahaaga, si aad

u dheefshiiddo cuntadaada, si aad u

libiqsato, iyo hawlo kale oo fara badan oo

jidhka ka dhex dhaca. Dhammaan hawlahan

oo dhan waxa si joogto ah masuul uga ah

qaybta garaadka ee dahsoon marka aad

hurudid iyo marka aad soo jeeddaba.

Caqligaaga dahsooni, waxa uu si joogto ah

ula xidhiidhayaa unug kasta oo jidhkaaga ku

jira, isaga oo ka warqaba waxa ku dhex jira,

sidoo kalena u diraya shaqada ay tahay in

uu qabto. Caqliga dahsooni waxa uu masuul

ka yahay oo kale hawlaha joogtada ah ee

ay tahay in uu barto ama la qabsado

caqligaaga soo jeedaa.

Haddii aan soo qaato tusaale ku saabsan

barashada kaxaynta baabuurta, bal ka fikir

waqtigii ugu horaysay ee aad baranaysay

sida gaadhiga loo kexeeyo, waa in aad si taxadar leh uga fikirta waxa kasta oo aad

samayn jirtay waqtigaas!

Waxa aan xasuusta waqti aan inantayda

barayay gaadhi kaxaynta, dhawr sanno ka

hor, waxa aan ku odhan jiray “ immika waxa

aynu u leexanaynaa midigta wada inagu

soo wajahan, ka qaad lugtaada leebarka,

shido bidhbidhaha.. biriiga qabo.. u leexi

taayirka midigtaada.. immika toosi

shookaanta.. ka qaad lugtaada biriiga oo

saar leebarka.”

Sidoo kale waa in ay iyada oo soo jeedda

ka fikirtaa tallaabada ay qaadayso sidoo

kalena aan u hagaa si soo jeedda. Markii ay

dhammaysatay hannaanka barashada ee

soo jeeda (Conscious Learning Process)

waxa maskaxdeeda ku dhaadhacay

tilmaamihii sidoo kalena waxa tallaabo

tallaabo ula qabsatay qaybtii maskaxda ee

dahsoonayd, sidaa darted uma baahna in

ay ka fikirto tallaabada ay qaadayso.

Waqtigan aynu joogno waa dirawalad

dhammaystiran, badanka qaabka ay u

kaxaynayso gaadhigana uma baahna in ay ka fikirto oo waxa maamulaya caqligii

dahsoonaa.

Dhammaan xirfadaha iyo wax kasta oo aad

baratay waxa uu dabaqayaa qaabkan ah in

aad marka hore ka barato qaybta maskaxda

ee soo jeedda marka danbe ee uu u

dhaadhaco maskaxda qaybta dahsoonna

uma baahnid in aad ka fikirto oo

masuuliyaddaas waxa la wareegaysa

qaybta dahsoon ee garaadka adiga oo aan

dhaadayn baanad samaynaysaa, tusaale

ahaan Dabaasha, Baaskiilad kaxaynta,

xidhashada kabahaaga. Sababta ugu weyn

ee aad u baratay xirfadahanina waa in aad

ku celcelisay marar badan adiga oo

isticmaalaya garaadka soo jeeda. Ku

celcelintu waa mid ka mid ah furayaasha

ugu muhiimsan ee lagu qaabeeyo caqliga

dahsoon (aad u xusuusnoow qodobakn

ku celcelinta waxa aynu kaga hadli

doonnaa qaybabaha danbe ee Buugga)

Waa kuwan astaamo kale oo uu leeyahay

caqliga dahsooni: waxa aan ku soo sheegay

cutubkeenii hore ee aynu soo dhaafnay in

caqliga soo jeedaa uu yahay qaybta falanqaynta, qiimaynta iyo odoroska ee

maskaxdaada halka uu caqliga dahsoonina

ka yahay qaybta Dareenka/caadifaada ee

maskaxdaada, waa isha ay ka soo

burqadaan dhammaan caadifadahaagu,

sida Jacaylka, Nacaybka, Niyad jabka,

Hinaasaha, Murugada, Cadhada iyo

Farxadda. Sida ku celcelinta oo kale

caadifadduna waa mid ka mid ah

furayaasha dib u qaabaynta garaadka

dahsoon.

Sidoo kale sidii aan hore ugu soo sheegay

cutubkii hore waxa aan carrabaabay in

caqliga soo jeedaa uu leeyahay xusuus

xaddidan balse lama mid ah caqliga

dahsooni oo waxa uu leeyahay kayd

xusuuseed aan xadidnayn. Xaqiiqdii wax

kasta oo aad soo martay intaad noolayd (

laga soo bilaabo dhalashadaadii) waxa ay

ku kaydsan yihiin caqligaaga dahsoon sida

cod kasta oo aad maqashay, wax kasta oo

aad la kulantay, wax kasta oo aad

maqashay iyo dareen kasta oo aad

dareentay. Haddii aad u soo dhawaado

shaqada shaqooyinka kale ee uu qabto caqliga dahsooni waa kuwan muhiimka ah,

sida in uu yahay barta ay ka soo

abqaalmaan aaminadahaagu oo ay ka mid

yihiin in aad isku aragto qof leh hal￾abuurnimo ama se aan lahayn, mid caqli

badan ama aan caqli badnayn, mid

guulaystay ama aan guulaysan, mid aan la

jeclaan karin ama la jeclaan karo.

Dhammaan aaminadahan ka soo

abqaalmay caqligaaga dahsoon ee ku

saabsan naftaadu waa natiijada dhammaan

wixii aad soo martay nolosha. Tani waa mid

aad muhiim u ah in aan ka warqano oo aan

u fiirsano sababta oo ah marka aynu

waynaano waxa aynu la noolnahay aragtiyo

taban oo aynu ka haysano nafteenna iyo

aaminaado ku dhex jira caqligeenna

dahsoon, kuwaas oo aynu la soo kulannay

sannadadii yaraanteenna. Caruurtu

badankoodu waxa ay la kulmaan kalmado

aan wanaagsanayn kalmadahaas oo ku

beerma caqliga dahsoon ee ilmaha yar

kuwaas oo la socda noloshooda.

Ereyadan xun xun waxa laga yaabaa in ay

ku yidhaahdaan Ardayda ay isku fasalka yihiin, walaalahood, waalidiintood ama

macalimiintooda.

Waxaana ka mid ah:

Waxa aad tahay mid buuran

Waad fool xun tahay

Waxa aad tahay nacas

Waxa aad tahay mid caajis badan

Waxba kuma filnid

Waxba ma qaban kartid

Waxa aan sheegi karaa kalmado badan oo

noocan oo ah laakiin waxaan filayaa in aad

ila fahantay. Marka carruurta lagu celceliyo

ereyada noocan oo kale ah iyada oo

caadifadi la socot, waxa beermaya fikiro iyo

aaminaado aan wanaagsanayn oo taban

kuwaas oo ku kaydsamaya caqliga dahsoon

ee ilmaha yar waxa aanu caqliga dahsoon u

haysanayaa wax dhab ah oo jira.

Carruurta oo kaliya maaha kuwa la kulma

xaaladahan tabani balse waqtiga aad waynaato xaaladaha taban ee aad la

kulantaa waxa ay ku dhaxalsiin karaan isla

qodobkaynu ka hadalnay.

Aaminaadaha aad naftaada ka qabto ee ku

jira garaadkaaga dahsoon waxa ay

saamayn wayn ku leeyihiin xaqiiqada aad la

kulanto noloshaada. Haddii aad caqliga

dahsoon ku sidato aaminaado taban oo

naftaada ku saabsan, waxa aad si dhab ah

ula kulmaysaa aaminadahaas oo dhab ah,

balse haddii aaminaadaha caqligaaga

dahsoon ku jira ee ku saabsan naftaadu

yihiin kuwo wanaagsan waxa aad si dhab

ah ula kulmi doontaa isla aaminadaahaas

inta aad nooshahay.

Sababtu waa in xaqiiqada aad ku

nooshahay ay la mid noqonayso sawirka

aad maskaxdaada ku haysato. Aan ku

celiyo mar labaad qodobkan, waayo waa

mid xasaasi ah xaqiiqada aad ku

nooshahay waxa ay la mid noqon

doontaa aamindaaha iyo sawirka

maskaxdaada ku jira oo macnaheedu

yahay hadba wixii maskaxdaada kuugu jira

ayaa ay noloshaaduna u eekaanaysaa. 

Lasoco qaybta xigta.........