Run ahaantii nafteedu waa mid had iyo jeer jecel wax yaalaha sababa guuldarooyinka wax yaalaha liita wax yaalaha micno darada ah way ku adag yihiin nafteeda waxwalba oo wanag hormar iyo nolol farxad leh inoo horseedaya 


WALIGAA ISKA ILAALI WAX YAABAHAN


1 Iska ilaali inaad nolol dheer oo mustaqbal leh aad ku badalo shayo riqiis ah 


2 iska ilaali inaad dadka been u sheegto hana khiyaamin waligaa kuwa ku aaminay kuwa kujecel iyo dadka ay balamuhu idin dhex yaalaan


3 Dadka ha ula dhaqmin si isla wayni iyo kibir ku jiro waayo waxaa ku luma ixtiraamka ay dadku kuu hayaan waana calaamada kuwa kalumay jidka xaqa ah illahay agtiisana lagama jecla


4 Hadad qof wax ka qaadato ama aad ka daynsato ku bixi xiligii aad balanteen isaga oo aan ku tabin kuna raadin hadad midan samayn waydo ogow waxaa lumaaya kalsoonidii iyo aaminaadii ay dadku kugu qabeen 

5 Waligaa dib how dhigin howl ama shaqo kuu taala wakhtiga aad joogto 


6 Haduu gaf kaa dhaco noqo mid isla markaaba ka toobadkeena hasamayn inaad dhahdo xili kale ayaan ka toobadkeeni doonaa waayo ma ogid goorta aad dhimandoontid


7 Ahow qof is xisaabiya inta aana la xisaabin 


8 Ahow qof ku mashquula ceebihiisa ha noqon qof raadiya ceebaha dadka kale waayo adiguba ceeb ayaad leedahay 


9 Waxwalba oo aad samaynayso wanag ka rajee ahow qof naxariis leh oo sameeya ixsaan 


10 Noqo qof lagu tilmaamo astaamaha waangsan dunidana kaga tag wax wanaagaaga lagu xasuusto 




Insha allah waxaan rajaynayaa inaad wax uun ka faaiiday ma ku jiraan kuwo ku qanciyay