1 Adkee xiriirka adiga iyo allah idin dhexeeya guul iyo hormar kastaa wuxuu ka bilowdaa adiga oo allah ka baqa oo ka fogaada rabi waxwalba uu xaaraantinimeeyay ahow mid raaca dariiqa toosan iyo sunada nabiga scw
2 Noqo mid naftiisa jecel jirkaaga daryeel caafimaadkiisana ku dadaal samee jimicsi oo bilow gym jirkaaga dhis kuna dadaal nadaafada jirkaga iyo dharkaaga cun cuntooyin isku dheeli tiran ku dadaal isticmaalka biyo badan habeenkii seexo xili hore kana fogow inaad dhafarto
3 Yeelo hadaf cad waayo nolosha bilaa hadafkii waa sidii maro ay kolba dhabayshu dhinac uwado nolosha ujeed la aanta ah waa nolol ay marwalba ku xeeran yihiin mushkilado murug iyo farxad la aan markaa yeelo hadaf cad
4 Baro xirfado aad ku shaqaysan karto sababto ah waxaa nolosha lagama maarmaan ah inaad taqaano xirfad aad ku shaqaysan karto
5 Noqo qof wax badan akhriya waayo wax akhrintu waxay kaa dhigaysaa qof leh aragti dheer oo fahmaaya wax badan oo nolosha kamid ah maalin walba samayso saacado aad wax akhrido hana joojin inaad marwalba barato wax cusub
6 Ka fogow waxwalba oo noloshada dib u dhac ku ah iska jar hadaad leedahay caadooyin xun xun kuna badal meeshoodii kuwo wanagsan oo faaiido u leh aduunkaga iyo aakhiradaada
1 Comments