1. Basbaaska: Basbaasku wuxuu ka mid yahay waxyaabaha ay mamnuuca tahay in qofku isticmaalo isaga oo baahan sababtoo ah basbaasku marka qofku isticmaalo isagoo baahan wuxuu baabi'iyaa timaha caloosha taas oo keenta in nabaro qofku ku yeesho caloosha
2. Liin Dhanaanta ama Liin Bambeelmada waxay ka mid tahay cuntooyinka aan la cunin cuntada kahor laba sabab darteed dadka xasaasiyada qaba uma fiicna inay cunaan liinta cuntada kahor, sababta labaadna waa dadka gaaska qaba inay ku kiciso gaas marka ay cunaan ayaga oo baahan
3. Canjeerada Qamiirka Ah: Cunista canjeerada waa muhiim balse in canjeerada ka samaysan tahay Cajiin Qamiir ah uma fiicna dheefshiidka waxaa wanaagsan in canjeerada qofku cunayo ay tahay canjeero ka samaysan cuntooyinka dalkeena ka baxa ee dabiiciga sida qamadiga oo kale
4. Chocolate: Ha isticmaalin adiga oo baahan shukulaato, Nutella iyo waxyaabaha ay ku badan tahay maadada Caffein sababtoo ah waxay dhumiyaan dheelitirnaan Insulinta jirka oo ah maado muhiim u ah sokorta iyo difaaca
5. Yaanyada: Cunista waxyaabaha laga helo maadada Tannic Acid waxaa ka mid ah yaanyada sidoo kale maadada Tannic Acid waa maado waxyaabaha laga helo laga wanaagsan yahay in qofku istifmaalo isagoo baahan sababtoo ah Acid-ka caloosha ayay siyaadisaa
6. Caana Booraha: Caanaha aan dabiiciga ahayn waxay khatar ku keenaan dheefshiidka marka qofku istifmaalo isagoo baahan sababtoo ah Bacteriyada caloosha aad ayay u jeceshahay waxyaabaha powder-ka ka samaysan, caanaha booraha cuntada kadib ayay ku fiican yihiin in la isticmaalo hadiiba aan la joojinayn isticmaalkooda
7. Mooska waxaa ku jira maadada Magnesium, cuntooyinka laga helo maadadan waa kuwa ay wanaagsan tahay in la cuno cuntada kadib sababto ah marka qofku cuno cuntada kahor cadaadiska dhiiga ayay kor u qaadaa, cunista mooska cuntada kadib waa tan ugu fiican qofku si joogta ah uga heli karo faaiidada mooska
8. Cabitaanada Warshadaysan: Isticmaalka cabitaanada warshadaysan waa mumnuuc qofku inuu isticmaalo isaga oo baahan sababtuna wax kale ma ahan waxaa badanaya sokorta dhiiga ku jirta taas oo ugu dambayn keeni karta cudurka sokorta marka qofku cabintadan aad u isticmaalo isaga oo baahan ama aan cunto si fiican u cunin
0 Comments