awooda raganimadu yaraato waxaa sabab u ah laba shay in qulqulka dhiiga xubinta tarabka soo gaaraya aad u yar yahay iyo in dhiiga marka xubinta soo gaaro kadib dib u laabto taasoo keena in xubinta tarabka shaqada aysan u wadan heerkii looga baahnaa
Waxaan cashirkan ku eegaynaa waxyaabo xubinta taranka ka dhigaya mid dhiig ku filan hesha, awooda raganimadana kor u qaada
1. Koostada: Waxaa ku jirta maadada Folic Acid oo ah maado qulqulka dhiiga kor u qaada, maadada waxay xubintaafa taranka ka dhigaysa mid si fiican dhiig u hesha sidaa darteed koostada muhim ayay kuu tahay marka qodobkaan laga hadlaayo
2. Morning Coffee: Waxaa ku jirta maadada Caffein waa maado muhiim u ah awooda raganimada waxaa wanaagsan in Coffeega aad isticmaasho subaxdii marka aad quraacato kadib si maskaxdu daganaan u hesho, xubinta tarankana awood u yelato, biya baxa degdega ahna u yaraado
3. Avocado: Waa mid ka mid ah waxyaabaha muhiimka u ah muuqaalka xubinta taranka waxay ku u qaadaa maadada testesterone sababtoo Avocadhada waxaa ku jirta Zinc oo ah maado muuqaalka xubinta taranka aad uga qayb qaadata, xubintana ka ilaalisaa inay dabacdo ama jilacdo
4. Basbaaska: Waxaa ku jirta maadada Capsaicin oo ah maado maskaxda iyo neerfaha dajisa, kgow maskaxda iyo awooda taranka way isku xiran yihiin marka maskaxdu dagan tahay awooda raganimadu way siyaadaa marka maskaxdu daalan tahayna xubinta taranka way tabaryaranaysa, sidoo kale Capsaicin waxay shahwada ka dhigtaa mid aad u kulul, xilliga jamaaca maadada waa muhiim
5. Karootada: Waxaa jirta Carotene oo ah maado macdabta ragga ka dhigta mid si fudud u burburisa ugxaanta waxay sidoo kale fududaysaa uur qaadista xilliga gabadhu ka qabaysato xeydka, Caroten waxay macdanta ragga ka dhigtaa kuwa meel fog gaaro, karootada waa u muhiim guud ahaan lamaanayaasha gaar ahaan xilliga uurka
0 Comments